Sami Khedira waligiis hore sedexleey (Hat trick) ma u dhaliyay ?

Kulankii Juventus sida waalida ah 6-2 guusha kaga qaadatay naadiga Udinese waxaa hadal heyn sameeyay xidiga reer Jarmal Sami Khedira.

Sami Khedira ayaa sedexleey ama Hat Trick is lama filaan ah naadiga Udinese kaga dhaliyay wuxuuna goolashan taariikhiga ah dhaliyay daqiiqadaha 21-aad, 59-aad iyo 87-aad.

Sami Khedira waxay u ahayd markii ugu horeesay ee uu noloshiisa cayaareed asigoo xirfadle ah sedexley dhaliyo.

Dhinaca kale guushii Juve 6-2 ku xaaaqday Udinesea waxaa hadal heyn qaldan sameeyay Mario Mandžukić oo sedex il biriqsi gudaheeda casaan lagu siiyay!

Mario Mandžukić waxaa caalamadaha jaalaha la siiyay 25-daqiiqo iyo 19-ilbiriqsi marka ay cayaarta socotay hadana si la yaab leh wuxuu calaamada labaad jaalaha qaatay 25-daqiiqo iyo 22-ilbiriqsi sidaas ayaana casaan lagu siiyay!