Wararka laga helayo Gobolka Togdheer ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaanka Dhagax dheer oo ka tirsan gobolkaas uu Nin Oday ah uu deegaankaas ku dilay saddex Carruur ah oo uu Adeer u ahaa.
Carruurka la dilay oo dhamaantood walaalo ahaa ayaa la sheegay in uu ugu weynaa Afar jir, isla markaana isla goobtii lagu dilay ay ku geeriyoodeen sida ay sheegeen dad ku sugan deegaanka Dhagax dheer ee gobolka Togdheer.
Gudoomiyaha deegaankaas ayaa sheegay inuu Carruurtaasi dilay Adeerkood oo Maskaxda looga jiray,balse ciidamada Booliska Soomaaliland ay gacanta ku hayaan Ninkii falkaasi dilka ah u geystay saddexda Carruurta ah ee wada dhashay.
Dadka ku nool deegaanka Dhagax dheer ayaa Maanta aad u hadal-haya dhacdadaas,waxaana Hoyga ay deganaayeen Carruurta la dilay buux dhaafiyay Boqolaal ay ku jiraan eheladooda oo dilkaasi ka naxay,waxaana dhacdadaas ay aheyd mid ku cusub deegaankaas.
Mas’uuliyinta laamaha kala duwan ee gobolka Togdheer weli kama hadlin kiskaasi dilka ah,hayeeshee waxaa la filayaa inay ka hadlaan Saacadaha soo socda.