Wafdi uu Hogaaminayo Sanetar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa galabta gaaray magaalada xeebta saaran ee Hobyo halkaasi oo ay soo dhaweyeen madax ka tirsan Galmudug iyo odayaal dhaqameed.
Safarka wafdiga ayaa lagu sheegay ka qeyb galka wajigii labaad ee shirka nabadda Hobyo oo la filayo in uu halkaas uu ka furmo.
Wafdiga ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah xildhibaano ka mid ah Golaha Shacabka oo degaan doorashadooda ay tahay Galmudug.