Dhageyso:-Wasiir hore oo ka hadlay qarax uu ka badbaaday

Barqanimadii Maanta ayaa waxaa qarax Miino Bartamaha Magaalada Boosaaso lagula eegtay  Gaari uu watay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta Maamulka Puntland,hayeeshee uu ka badbaaday qaraxaas.

Wasiirka oo lagu Magacaabo Shire Xaaji Faarax ayaa ka hadlay qaraxaas,waxaana uu sheegay in Maanta isaga oo safar ah qarax Miino lala eegtay Gaari uu watay,isla markaana qaraxaas ay ku dhaawacmeen saddex Askari oo ka mid ah ilaaladiisa,balse mid ka mid ah dhaawiciisa uu daran yahay.

Waxaa uu sheegay in mar walba mas’uuliyiinta la qarxiyo,isaga uusan ugu horeyn,waxaana Shacabka Magalada Boosaaso uu ugu baaqay inay aayahooda ka tashadaan,isla markaana ay la Shaqeeyaan Ciidamada Amniga.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta Maamulka Puntland.