Ronaldo oo ka hadlay dagaalkii dhaxmaray isaga iyo Wayne Rooney 2006

Cristiano Ronaldo ayaa amaanay Wayne Rooney oo uu ku sheegay in uu noqon doono mid dareen gooni ah ku reeba marka ay ku kulmaan ciyaaraha Euro 2016.

Ronaldo iyo Rooney waxay leeyihiin taariikh dheer, ma ahan oo keliya iskaashigii Manchester United, laakiin sidoo kale waxaa jira dagaal ka dhexeeyay England iyo Portugal marka ay ku kulmeen tartankaan.

Labada nin ayaa isku dhacay markii Portugal ay ku garaaceen England rigoorayaal wareega quarter-finalka tartanka Euro 2004 –

Laakiin ciyaarihii Koobka Adduunka ee Germany sanadkii 2006 Rooney ayaa casaan loo taagay markii uu ku istaagay Ricardo Carvalho.