R.W Kheyre oo War kasoo saaray Qaraxii Soobe

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Galabta ka dhacay Isgooyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.

R/wasaare kheyre, ayaa qaraxaasi ku tilmaamay mid Argagixisinimo, waxaana uu tilmaamay in dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay ay ahaayeen shacab waxba aan galabsan.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre, ayaa sheegay in Ciidamada amaanka iyo maamulka Gobolka banaadir ay gurmad baaxad leh ay u sameeyeen dadkii qaraxa ku waxyeeloobay, dadka soomaaliyeed ayuuna ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gurmadka socda.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sameeyay Gurmad xooggan.