Xasan Cali Kheyre, ayaa ku dhawaaqay Guddi ka kooban Wasiiro iyo Ururada Bulshada, kuwaa soo ka shaqeyn doona sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadka dhaawacyada culus qaraxii Shalay Muqdisho ka dhacay ay kasoo gaareen.
R/wasaae Kheyre, ayaa xusay in ay lagama maarmaan ay tahay in dadka Soomaaliyeed lala qeybsado murugada iyo dhibaatooyinka kale ee ay dareemeen.
Mudane Kheyre, waxa uu ku booriyay xubnaa Golaha Wasiirada in ay dadka walaalohood ah ee ay soo gaartay dhibaatooyinka ay ugu deeqaan dhiig iyo kaalmooyin dhaqaale oo wax u tara dadkaas, isla markaana ay ku yaboohaan dhaqaale kaalmo ah.
Guddigaan ayaa loogu tala galay in howlaha gurmadka ah ay fududeeyaan.



