DHAGEYSO: Gudoomiyaha Aqalka Sare oo Shacabka baaq u diray

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan Hay’addaha kala duwan ee Ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in cidii Shacabka ay tuhmaan in ay sameyneyso waxyabo amaanka qal qal galinaaya ay ku wargeliyaan Ciidamada Amniga.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dadka amni darada geysanaayo ay ku dhex jiraan dadka Shacabka ah taasina ay tahay wax laga xumaado.

Gudoomiyaha ayaa hadalkaan waxa uu ka sheegay mar uu maanta booqday dhawacyada dadkii shalay kusoo dhaawacmay qaraxii ka dhacay isgoyska Soobe.