Qaramada Midoobay oo cayrisay shaqaale badan

Hay’adaha Qaramada Midoobay ee jooga xerada Dhdhaab ee dalka Kenya ayaa boqolaal shaqaale ah kala diray dhowaan.

Dadkan ayaa loo sheegay in dhaqaale darro ay soo food saartay hay’adaha, oo aysan deeq bixiyeyaasha ka helin taageeraddii ay uga baahnaayeen.

Shaqaalahaani oo Soomaali u badan ayaa waxa ay ka kala shaqeynayeen shaqooyin isugu jiray Macalinimo iyo kuwo kale oo arrimaha Nadaafada ka shaqeenayay.

Ku dhawaad 230 Macalimiin iyo boqol kale oo ka shaqeyn jiray howlaha Nadaafada xerada qaxootiga Dhadhaab ayey Qaramada Midoobay u sheegtay in gebi ahaanba ay iska fasaxday oo aysan u heyn mushaar ay ugu shaqeeyaan.