Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta dalka Jordan uga qayb galay shir madaxeedka wadamada Carabta oo looga hadlay is-bedelka cimillada adduunka iyo deegaanka.
Shirkaan oo looga dooday hanaanka wadamada Carabtu isaga kaashanayaan hagaajinta deegaanka iyo arrimaha la xariira is-bedelka cimilada adduunyada ayaa waxaa kasoo qayb gelay hey’adaha caalamka ee ku shaqada leh deegaanka iyo is-bedelka cimilada adduunyada.
Dawladda Soomaaliya oo kamid ah dalalka dhibaatada badan ku qaba xaalufinta iyo jaridda dhirta iyo waxyaabaha kale ee laga dhaxlo ee ay kamidka yihiin fatahaadda iyo abaaraha, ayaa dadaal ugu jirta hagaajinta deegaanka.