Maxaa ka soo baxay kulankii ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada ?

Golaha wasiirada ee xukuumada Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulanka shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali.

Kulankan ayaa ugu horeyn warbixin looga dhegeystay Wasaaradda Gaashaandhigga taas oo faah faahin ka bixisay howlgallada ay wadaan ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale, Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ayaa soo bandhigtay xog uruurin Shidaal oo ay sameysay shirkad lagu magacaabo Spectrum ASA, taasoo ka sameysay dhul badeedka koofurta Soomaaliya.

Wasiirka Badroolka oo arrintan sharaxayay ayaa xusay in 7 ruux oo bartay cilmiga Geology (geo-scientists) ayaa ka qeybgalay xog uruurinta kuwaas oo tababar lagu siiyay sida maraakiibta xogta ay u uruuriyaan.

Ugu dambeyntiina, Wasaaradda Qorsheynta ayaa golaha u soo bandhigtay Qabyo qoraal ku saabsan Qorsheynta Qaranka, kaasoo ka duwan qaabkii hore ee loo diyaarin jiray.