Puntland oo sheegtay in ciidamadeeda ay dib uhabeyn guud ku sameyn doonto

Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in dib u eegis guud lagu sameynayo qaab dhismeedka ciidamada Puntland oo dhan, iyadoo sidoo kalena sheegtay in tira koob lagu sameyn doono.

Madaxweyne Gaas ayaa ku baaqay in lama huraan ay tahay in la dardargaliyo qorshahan.

Sidoo kale madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa sheegay in loo baahan yahay in la kordhiyo ilaalada laga hayo dhulka xeebaha ee Puntland.

Talaabada cusub ee dib loogu eegayo ciidamada maamulka Puntland ayaa ku soo beegmaysa, iyadoo saakay magaalada Boosaaso uu iska horimaad ku dhexmaray Ilaalada Taliyaasha Boliiska iyo Birmadka ee Puntland, waxaana uu iska hor imaadkaas uu sababay dhaawaca wasiirkii amniga Puntland iyo dhimashada Taliye ku xigeenkii ciidamada Birmadka Puntland.