Maxaa Dhici Doona Haddii Liverpool Ay Isaga Baxdo Tartanka Koobka Carabao Cup?

Liverpool ayaa kulan waali ah oo 10 gool la iska dhaliyay oo xalay ay la ciyaartay Arsenal waxa ay ugu danbeyn rigoore uga soo talaabsadeen Arsenal iyagoo u soo gudbay wareega sideed dhamaadka Carabao Cup.

Isku aadkii maanta la qabtay kooxda Liverpool waxa ay bartamaha December ku jadwaleysan tahay inay u safarto Aston Villa oo ay wareega sideeda Carabao Cup isku arkayaan.

Laakiin shirkii jaraa’id uu xalay qabtay Jurgen Klopp ciyaarta ka dib ayuu ku sheegay in Liverpool ay isaga bixi doonto tartanka haddii aan loo soo bandhigin waqti iyaga u fiican oo la dheeli karo kulanka wareega 8da.

Waa maxay sababta uu Klopp u doonayo in Liverpool ay ka baxdo tartanka Carabao Cup?

In loo tartamo koobab kala duwan waxa ay howl culus ku tahay koox walba si kasta oo ay kooxda u heysato ciyaartoy tiro badan.

Waxa ay taasi la micno noqon kartaa in kooxda ay ciyaarta labo kulan isbuuc walba iyadoo Liverpool ay muddo kooban isagu soo aadeyso kulamada Premier League, Champions League iyo Carabao Cup.

Labo kulan ayay ku soo ciyaari doonaan dalka Qatar waxaana ay ku beegan tahay waqtiga la ciyaarayo wareega sideeda Carabao Cup.

Klopp ayaa yiri ka dib guushii Arsenal: “Haddii aysan inoo helin taariikh inoo fiican oo aan ku ciyaari karno, markaas ma dheeli karno tartanka. Kooxda nagu soo aada ha u gudubto sem-finalka.”