Madaxweynihii hore ee DDS oo markale Maxkamad la soo taagay

Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa markale waxaa la soo taagay Maxkamada ku taalla Magaalada Addis-Ababa ee Caasimadda Itoobiya.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa fadhiga Maxkamada ka sheegay in intii uu maamulayay dowlad deegaanka soomaalida uusan geysan wax dambi ah,isla markaana si wanaagsan uu u maamulay dadkiisa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in isaga uu haatan doonayo in la siidaayo oo xurriyadiisa la siiyo,maadaama uusan dadkiisa ka gelin wax dambi ah sida uu hdalka u dhigay.

Intaasi kadib Maxkamada ayaa amar waxaa ay ku bixisay in Xasbiga dib bloogu celiyo,sidoo kalena la soo badnhigo Magacyada iyo sawirada  7 Ruux oo kale,kuwaas oo lagu eedeeyey falal isugu jira, dil, kufsi, barakicin,kuwaas oo ka dhacay Magaalada Jigjiga.