Mas’uul ka tirsanaa Wasaaradda Ganacsiga oo ku dhintay Qaraxii Soobe

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Risaala in dadkii Maanta ku dhintay Qaraxii Soobe uu ka mid ahaa Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaraddaasi Abuukar Daahiye.

Waxa ay sheegeen in xilliga uu Qaraxu dhacayay uu marayay Wadada ,islamarkaana uu la kulmay Qaraxaasi.

Waxaa uu sidoo kale jira Mas’uuliyiin ku dhaawacmay Qaraxaasi oo uu ka mid yahay Xildhibaan Mahad Salaad.

Sacadba saacadda ka dambeysa waxaa sii kordhaya Khasaaraha Qaraxaasi,waxaana tiradda dhimashadda ay mareysa 30 qof.