Milateriga Mareykanka ayaa sheegay in ay duqeymo ay u adeegsadeyn diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka ay ku dileyn xubno ka tirsan Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya.
War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee marka lasoo gaabiyo magacooda loo yaqaano AFRICOM ayaa lagu sheegay in Sideed xubnood oo ka tirsan Shabaab lagu dilay duqeyn ay ka fuliyeen Shalay meel ku dhaw deegaanka Gendershe ee Gobolka Shabeelada Hoose.
Waxa kale oo warkaan lagu sheegay in duqeymahaasi aynan ku waxyeeloobin dad shacab ah, oo ay kaliya ku beegsadeyn xubnahaasi shabaab ka tirsanaa oo ay xogtooda heleyn, balse ma jiraan illo ka madax banaan oo xaqiijinaya sheegashadooda.
Mareykanka ayaa duqeymaha uu kaliya sanadkaan sii dhamaanaya Soomaaliya ka geystay waxa ay ku dhawdahay 40, waxaana taasi ay timaaday kadib markii maamulka Donald Trump uu la wareegay aqalka looga arrimiyo dalkaasi Mareykanka.
Duqeymahaani Shabaab dhankooda kama aysan hadal, balse Mareykanka ayaa sheegay in xubnaha ay dileen ay muhiim u ahaayeen jiritaanka Shabaab.
XIGASHO: News24



