Waxaa is af garad kusoo dhamaaday kullan ay maanta Muqdisho ku yeesheen Gudoonka golaha Shacabka Soomaaliya, oo markii ugu horeysay kulmay ka dib khilaafkii soo kala dhex galay.
Gudoomiyaha Baarlamaanka, gudoomiye ku xigeenadiisa iyo xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka ayaa kullankaan ay yeesheen waxa uu kusoo idlaaday in ay is af-garteyn, dhawaana ay howlihii Baarlamaanka Soomaaliya ay dib u bilaabi doonaan.
Qaar kamid ah xildhibaanada golaha oo sheegay in iyagu ay isku xil saareyn xalinta khilaafka u dhaxeeya gudoonka golaha ayaa soo qaban qaabiyay kullankaani, kadib dadaal dheer oo ay u galeyn in ay kullansiiyaan gudoomiyaha golaha iyo ku xigeenadiisa.
Xildhibaan Nuur Iidoow Beyle oo kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya kana qeyb galay kullankaasi ay yeesheen gudoonka golaha ayaa risaala ugu warbixiyay sida uu u dhacay kullankaasi iyo waxyaabaha laga filan karo.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysi xog badan xambaarsan oo uu xildhibaanka siiyay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho.



