Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif sheikh Axmed ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shir jaraa’id ii ku qabtay Magaalada Muqdisho uga hadlay Arrimo badan ee la xiriira xaalada Siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka ka taagan wax ka bedelka Dastuurka .
Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa marka hore ka hadlay Nidaamadka Madaxaweyne Xasan sheikh u u marayo wax ka bedelka dastuurka iyo sabababaha ay ku diidan yihiin, wuxuuna sheegay in uu doonayo dastur kaligiis uu qortay oo aan la isku raacsaneyn, taasina aan laga aqbaleyn.
Sidoo kale Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa su’aal geliyay sax ahaanshaha kulamada Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka ay uga doodayeen wax ka bedelka Dastuurka iyo kooramka iyadoo uusan dhameystirneyn, wuxuuna sicad u sheegay in dowladda Soomaaliya ay hadda ku dhaqmeyso arrimo qabiil oo keeni karta in dadku ay kala tagaan.
Ugu dambeeyn Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in hadii la Ansixiyo Dastuur aan heshiis lahu ahayn uusan dhaqan geli doonin dadka Soomaaliyeedna ay ku kala tegi doonaan.



