Xubno ka tirsan Al Shabaab ayaa weerar ku bilowday Qaraxyo ku qaaday fariisimo ciidanka dowladda ku leeyihiin deegaanka Busley, oo u dhaw deegaanka Jaziira ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Wararka ayaa sheegaya in Al Shabaab qaraxyada kaddib weerar toos ah ku qaadeen Fariisimaha ay joogeen ciidanka dowladda oo isugu jiray Booliis Milataaro, Haramcad iyo sidoo kale ciidanka NISA ee loo yaqaan Duufaan.
Ciidanka dowladda ayaa la sheegay in ay iska difaaceen weerarka Al Shabaab, waxaana xerada la weeraray ka dhacay dagaal culus oo uu khasaaro kasoo gaaray labada dhinac.
Dagaalka waxaa ku dhintay saraakiil iyo askar katirsan ciidanka dowladda, waxaana dadka dagaalka lagu dilay kamid noqday sarkaal katirsanaa Ciidanka Booliisa Milataaro oo lagu magacaabayay Liibaan Golcad, kaas oo si weyn looga yaqaanay Muqdisho.
Sarkaalkan la dilay ayaa kamid ahaa saraakiisha hoggaamisa ciidanka xasilinta caasimadda Muqdisho ee Booliisa Milataaro, waxa uuna door weyn ku lahaa xasilinta ammaanka magaalada iyo deegaannada ku dhaw dhaw.
Al Shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaalka saakay ku qaadeen ciidanka dowladda ee ka hawlgala degaanka Busleey ee gobolka shabeelada Hoose.
Dowladda Soomaaliya ayaa ilaa hadda ka hadlin weerarka Al Shabaab kusoo qaadeen ciidankii joogay deegaanka Busley iyo khasaaraha ka dhashay,



