Madaxweyne hore Farmaajo oo gaaray Garoowe

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Garowe, waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni.

Safarka Farmaajo ee Garowe oo ah mid qorsheysnaa ayaa bilow u ah isbaheysiyo siyaasadeed oo ka bilaaban doono Garowe oo lagu diidan yahay wax ka bedelka Dastuurka.

Waxaa maalinta berri la filayaa inuu Garowe ka dego Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Shariif Sheikh Axmed.

Xiisada siyaasadeed ee ka taagan wax ka bedelka Dastuurka ayaa ah mid sii xoogeysaneysa, waxaana la filayaa in todobaadka soo socdo uu Baarlamaanka labada Aqal uu ansixiyo wax ka bedelka Dastuurka.