Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadda ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho , waxaana uu kusii jeedaa Magaalada London ee dalka Ingariiska.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya Shirka 11-ka Bishaan ka furmaya Magaalada London ee dalka Ingariiska.
Wasiiro iyo xubno ka tirsan dowladda ayaa ka mid ah Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya.
Shirka looga hadlaayo arimaha Soomaaliya ayaa 11-ka Bishaan ka furmaya Magaalada London , waxaana ka qeyb galaya xubno kasocda Beesha Caalamka.



