Soomaali ku biiri rabtay Daacish oo la qabtay

Sida ay xaqiijiyeen Warbaahinta dalka Suudaanta Koonfureed Ciidamada Ammaanka dalkaasi ayaa gacanta ku dhigay dhalinyaro isugu jirta Kenyaan iyo Soomaali.

Dhalinyaradaan ayaa la sheegay in laga qabtay Magaalada Jubba ee Caasimadda Sudaanta Koonfureed , kuwaa soo qorsheynaayay in ay ku biiraan Kooxda Daacish.

Ciidamada danbi baarista ayaa xaqiijiyay in dhalinyaradaasi ay doonaayay in ay u socdaalaan dalka Liibiya , ka dibna halkaasi ay uga biiri rabay Kooxda dowlada Islaamka ee Daacish.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada Suudaanta Koonfureed ayaa idaacadda ku taalla Jubba u sheegay in dhalinyaraasi lagu qabtay warqado muujinaya in doonaayeen in ay ku biiraan Kooxda ISIS.