DHAGEYSO: Gawaarida oo laga mamnuucay wadooyinka Muqdisho Qaarkood in la dhigto

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Gudoomiyaha gobolka Banaadir Wareegto uu soo saaray uu ku mamnuucay in Gawaarida la dhigto wadooyinka Muqdisho qaarkood.

Wadooyinkaasi ayaa waxaa ka mid ah Wadada Dheer ee Makka almukarama iyo sidoo kale Wadada KM 4 ee kasoo baxda Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ujeedka ayaa ah sidii loo xaqiijin lahaa Ammaanka gobolka Banaadir.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in Gudoomiye Taabid uu Amray in tilaabo adag laga qaado cidii wadooyinkaasi dhigata Gaari.