Wararka inaga soo gaaraya degaanka Libooye oo ka mid ah degaanada hoos yimaada degmada Gaarissa ee gobolka waqooyi Barri ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Qarax Khasaare geystay lagula eegtay Kolonyo ka tirsan Ciidanka Kenya.
Qaraxan oo lala eegtay gaari ka mid ahaa Kolonyo Ciidamada Kenya oo u socday degaanka Libooye, islamarkaana ka yimid dalka Kenya, Qaraxa nuuciisa waxa uu ahaa Miinada dhulka lagu Aaso.
Gaariga lala eegtay Qaraxa ee ay saarnaayeen Ciidanka Kenya ayaa waxaa ka dhashay khasaare, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.
Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in Qaraxaasi ay ku dhaawacmeen Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda Kenya.


