Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo Cadaado Gaaray

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland iyo  wafdi ay hoggaaminayaan  ayaa waxa ay gaareen Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug.

Wafdiga Madaxweynayaasha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado ku soo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Ujeedka ay  u tageen Magaalada Cadaado ayaa waxa u yahay ka qeyb galka xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).

Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa waxaa la doortay Saddexdii Bishan, waxaana looga fadhiyaa in uu ka shaqeeyo midnimada shacabka degan Gobolada Dhexe.