Madaxweyne Gaas oo Garoowe kasoo dhoofay

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa Goor dhow Kasoo duulay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland , asagoo kusoo jeeda Magaalada Cadaado ee KMG ah ee maamulka Galmudug.

Madaxweyne Gaas ayaa ka qeyb galaya Caleema Saarka Madaxweynaha Cusub ee maamulka Galmudug Axmed Geelle Ducaalle Xaaf.

Gaas ayaa Markii ugu horeysay imaanaya Magaalada Cadaado tan iyo markii la aas aasay maamulka Galmudug.