Faahfaahin Nabad Suggida oo Muqdisho ku toogtay nin Shabaab ah

Ciidamada Nabad Suggida Somaliya ayaa goor dhaw suuqa Bakaaraha waxa ay ku toogteen nin ay sheegeen in uu  ka tirsanaa Al Shabaab, kaasi oo watay Bistoolad.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida ayaa Risaala waxa ay u sheegeen ciidamada ammaanka inay toogteen ninkaasi oo watay Bistoolad nooca Makaarufta loo yaqaan.

Dilka ninkaan ayaa wuxuu ka dhacay meel aanan ka fogeyn Masaajidka daawada ee Suuqa Bakaaraha.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane, ayaa Saxaafadda u sheegay ciidamada NISA inay aad ugu mahad celinayaan toogashada ay u gaysteen ninkaasi Shabaab ka tirsan waa sida uu hadalka u dhigay.

Al Shabaab ayaa dilal qorsheysan ka fuliya Magaalada Muqdisho.