Khadka dhexe ee kooxda Real Madrid Luka Modric ayaa waxaa uu go’aamiyey mustaqbalkiisa kooxda kadib markii uu go’aansaday in ciyaaryahankaa uu kooxdiisa iska joogidoono.
Luka Modric ayaa Madrid u noqday ciyaaryahan muhiim u ah tan iyo markii kooxdaan ay kasoo qaadatay kooxda Tottenham sanadii 2012, waxaana uu kooxdaan ka caawiyey 7 koob o ay ku jiraan Champions League, iyo koobab kale.
30-sano jirkaan ayaa laga saaray liiska ciyaartooyda Croatia ee sanadka 2018, waxaana xidigaan uu jecelyahay inuu sii joogo kooxdiisa.
”Ma xiiseeynayo koox meel kale, laakiin Real Madrid waa meesheyda, aad ayaan ugu faraxsanahay halkaan,” Modric ayaa sidaa u sheegay Sportske Novosti.
”Waxaa jira waxyaabo badan oo iiga imaanayaan kooxaha kale , waxaa ay sidoo kale i weydiinayaan inaan kooxdooda kusoo biiro.
”Ma rabo in wax badan arintaasi ka ogaado, sababtoo ah u jeedkeeyga waa halkaan, wax badan ayaan Real Madrid joogidoonaa.
”Waxaan hada dareemayaa inaan ahay sida ciyaaryahan 27 ama 28 sano jir, hada waxaan isku arkaa inaan muhiim u ahay kooxdeeyda.