Sam Allardyce Oo Ku Dhawaaqay Waqtiga Uu Magcaabayo Kabtankiisa Cusub

Sam Allardyce  macalinka cusub ee xulka England ayaa lawada sugayay waqtiga rasmiga ah ee uu ku dhawaaqi doono kabtankiisa cusub ee xulka.

Sam Allardyce aya hadda qabanaya shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo magcaabistii xulkiisa, waxaana uu cadeeyay waqtiga uu magcaabi doono kabtankiisa cusub.

Macalin Sam Allardyce  ayaa ku dhawaaqay in maalinta beri ah uu magcaabayo kabtankiisa cuusb ee xulka hogaamin doona.

Weyn Rooney oo hore u ahaa kabtanka xulka ayaa kamid ah ciyaartooyda u sharaxan in Sam Allardyce  uu u dhiibo calaamada kabtanimada xulka.