Waxaa Maanta oo Isniin ah baaqday kulankii Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya kaas oo lagu waday in uu hortago Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya si Su’aalo looga waydiiyo qodobada sharciga Canshuuraha Furdooyinka oo akrintiisa labaad ay marsiin lahaayeen sanetarada Aqalka sare.
Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa u baaqday sabab laxariira in uu hortagayo xildhibaanada golaha shacabka oo iyagana Akrinta Saddexaad marsiinaya sharciga xisaab xirka miisaaniyadda qaranka ee 2019.
Tallaabadaan ayaa waxaa la sheegay inay sabab u tahay Wada shaqayn la’aanta labada aqal ee baarlamaanka taas oo keentay in la kala maareen waayo waqtiyada Shaqada labada gole.