Ciidamada Ammaanka Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen xaafado ka tirsan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose,halkaas oo dad ay Nabadoono ku jireen lagu dilay.
Howlgalka ayaa saraakiisha Ciidamada waxaa ay sheegeen in uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayey ,isla markaana lagu soo qabtay hub iyo dad falal amni darro ka geystay Gudaha Magaalada Kismaayo.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo Warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa shegay in howlgalka uu ahaa mid lagu soo afjarayay Kooxo dhibaatooyin amni darro ka geystay Kismaayo.
Waxaa uu sheegay in howlgalka lagu qabtay Shabakad hubeysan oo qaarkood watay miinooyin,isla markaana ay Ciidamada Amniga burburiyeen Goob ay hubka ku keydsan jiraan oo ku taalla Gudaha Magaalada Kismaayo.
Si kastaba warkaan kasoo yeeray Wasaaradda Amniga Jubbaland ee ku aadan in Ciidamada Ammaanka ay gacanta ku dhigeen Rag hubeysan oo ka tirsanaa Shabaab dilalna ka geysan jiray kismaayo weli kama hadlin dhankooda Al-Shabaab.