3 nin oo Soomaali ah ayaa sanadkii tagay 2015 waxaa lagu weeraray magaalada Dodge ee Gobolka Kansas.
Weerarka dhalinyarada Soomaaliyeed lagu qaaday ayaa waxaa la sheegay in ay geystay Labo nin oo Mareykanka ka soo jeeda.
Waxaana nimankaasi lagu soo eedeeyey dacwado la xiriira inay gaysteen fal dambiyeed nacayb xambaarsan.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in labadaasi nin ay bartilmaameedsadeen ragga Soomaalida, waxaana sababta ay u weerareen lagu sheegay midabtakoor ay uqabaan dadka madow.
Laba ka mid ah saddexda nin ee Soomaalida ah ayaa dalka Mareykanka ku joogay qaab shaci ah xilligaasi weearku dhacay.
Dacwaddan ayaa haddii lagu helo labadaasi nin waxay ku mutaysan karaan ugu badnaan xabsi dhan 10 sano iyo ganaax dhan $250,000.
Maadaama dacwaddan la xiriirto fal dambiyeedka nacaybka ku salaysan ayaa baadhitaanka kiiska waxaa ka qaybgalay hay’adda dhexe ee dambi-baarista dalka Mareykanka ee FBI-da.


