Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo ka mid xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu ka waramay qorshaha haatan la doonayo in maamulka loogu dhiso gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in uu aaminsan yahay Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee dowladda ay ka eexdeen gobolka Hiiraan ayna u eexdeen gobolka Shabeellaha Dhexe.


