Xeer ilaaliyaha qaranka dalka Kenya ayaa sheegay in ay dowladda Kenya ay diyaar u tahay dacwadii ay la gashay dalka Soomaaliya taasoo ku aadan muranka badda ah ee ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Dowladda Kenya ayaa sheegay in ay si cad u ogtahay in ay leedahay badda uu muranka ka taagan yahay ayna diyaar u tahay in ay Soomaaliya la gasho arin walba oo ku saabsan baddaasi.
General Githu Muigai xeer ilaaliyaha dowladda Kenya ayaa sheegay in dowladda Kenya ay guul weyn ka filaya dacwada labada dal oo lagu wado in ay ka furanto bilaha soo socdo.
General Githu Muigai ayaa ugu laab qaboojiey shacabka Kenyaanka in ay si sharci wax ku heli doonaan ayna joogiyaan hadalada iyo sidoo kale warqadaha qoran ee soo gaaraya xeerilaalinta dalka Kenya.
Maxkamada ICG ayaa waxay caddeysay in dacwada oo ku saabsan muranka lahaanshaha Badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya ay dhagaysan doonto dhageysiga koowaad uu dhacayo Bisha September, isagoo socon doona afar maalmood.
Labo maalin oo ka mid ah waxaa iska leh Soomaaliya halka labada galena la dhageysdoono Kenya.


