Muqdisho-RisaalaFM- Wasiiro dowlaha Wasaarada Arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale ayaa waxa ay maanta koormeereen Dekeda Muqdisho oo ay ka socotay Dajinta Markab Macaawino siday oo dowladda Turkiga ay ugu deeqday Shacabka Soomaaliyeed.
Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaaliya C/rashiid Xidig oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhawaan Shacabka Soomaaliyeed u qeybin doonto Gargaarka Deeqda ah ee laga dajiyay Markabka dowladda Turkiga ay ugu deeqday Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ay dhaw ula socdeen intii uu socday dejinta markabkan.
Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah dowladaha sida joogtada ah u taageera shacabka iyo dowladda Soomaaliya, waxaana markabkan gargaarka ah oo qeyb ka noqonaya kaalmooyinka ay Turkiga ugu tala gashay Soomaaliya sida ay warbaahinta u sheegeen Masuuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga.


