Ismiidaamin galabta ka dhacday Magaalada Kabul (SAWIRRO)

Weerar ismiidaamin ah, ayaa galabta ka dhacay Bartamaha Magaalada Kabul ee Xarunta Wadanka Afghanistan, ka dib markii nin la socday dhugdhugley uu isu qarxiyay goob aad loo ilaaliyo.

Weerarkan, ayaa lala beegsaday deegaanka loo yaqaano (Deegaanka Diblomaasiyiinta ee Caasimadda Kabul). Dhibane-yaashu waxay u badan yihiin shaqaalaha u shaqeeya Wadamada Reer Galbeed.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga Afghanistan, ayaa sheegay wadihii mootada in uu ka soo gudbay bar kontorool oo gaadiidka lagu baaro, balse lagu joojiyay kontoroolkii labaad, isla-markaana uu halkaasi isu qarxiyay.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in ismiidaamintan uu fuliyay wiil da’diisa lagu qiyaasay 12-13 jir, qaraxaana waxa uu ahaa mid laga maqlay inta badan xaafadaha Kabul.

Wasiirka Caafimaadka Afghanistan, Ferozuddin Feroz, ayaa sheegay in sideed ruux ay ku dhimatay qaraxaasi, tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacantay. Dadka dhaawacmay ayuu sheegay inay qaarkood qabaan dhaawacyo halis ah.

Waxaa jira warar sheegaya in dhimashadu ay sii caga cageyneyso afar iyo toban ruux, dhaawacuna uu toban ruux ka badan yahay.

Ururka Daacish oo isu magacaabay (Dowladda Khilaafada Islaamka), ayaa sheegtay masuuliyadda ismiidaaminta galabta ka dhacday Caasimadda Kabul.

Laba toddobaad ka hor, ayay ahayd markii ay Daacish sheegatay is qarxin ka dhacday Masaajid ay ku tukadaan Shiicada Afghanistan, oo konton qof ay ku dhimatay.