Beledweyne-RisaalaFM- Wadooyinka qaar ee dhexmara Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay yihiin kuwo aad u bur bursan, wadooyinka qaar waxaa fariistay Biyo badan, mana jirto cid dayactir ku sameysay.
Gaadiidleyda ka howlgala magaalada Beledweyne ayaa waxa ay sheegeen in ay dhibaato weyn ku qabaan bur burka ka jira wadooyinka, waxayna ku baaqeen in wax laga qabto cabashadooda.
Sharmaarke C/laahi Daahir ayaa warbixintan inooga soo diray magaalada Beledweyne.