Kenya-RisaalaFM- Raila Odinga ayaa ka soo horjeestay Natiijada Doorashadii ku celiska aheyd, taasi oo 26-kii bishan ka dhacday magaalooyinka waa weyn ee dalka Kenya, shalayna natiijadeeda lagu sheegay inuu guuleystay Uhuru Kenyatta.
Wuxuu yiri “Hadii aysan Cadaalad helayn, ma jiri doonto Nabad ay helayso Dowladdu, Dowladdu kama sareyso sharciga ama Dastuurka, Sharciguna kama sareeyo shacabka.” Ayuu yiri Raila Odinga.
Odinga wuxuu qodobeeyay hadalkooda wuxu sharaxay marxladihii la soo maray, dhammaana wuu ka soo horjeestay doorashada ku celiska aheyd iyo natiijadeeda.
Wuxuu sheegay inay sii wadayaan dibadbaxyada dadku dareenka ay ku muujinayaan si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah, isagoo eedeeyay Guddiga Doorashooyinka, Wuxuu meel ku sheegay in NASA diyaar u tahay in wixii dhibatooyin siyaasadeed ah lagu xaliyo wadahal.



