Waxaa soo yeertay isku dhacyo dhex maray Ciidammada Ciraaq iyo dagaalamayaasha Kurdiyiinta Ciraaq, ka dib markii ay Baqdaad ciidammo u dirtay deegaannada ay Kurdiyiintu gacanta ku hayaan ee gobolka Kirkuk.
Telefishinka dawladda ayaa ku warramay in ciidammada Ciraaq ay la wareegeen gacan ku haynta deegaammada qaar, kuwaas oo ay ku jiraan goobo shidaalka laga soo saaro “iyaga oo aan wax dagaal ah dhicin” laakiin masuuliyiinta Kurdiyiintu way diideen jiritaanka arrintaas.
Waxaa la sheegay in gantaallo la isku waydaarsaday koonfurta magaalada Kirkuk.
Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay xaaladda waxayna ku baaqday in wadahadal “uu yahay sida ugu wanaagsan ee xaaladda lagu dajin karo”.
Waxaa sare u kacay dareenka ka dhex taagan labada dhinac, arrintaas oo salka ku haysa mustaqbalka Kurdiyiinta Ciraaq ka dib markii ay madax bannaani u codeeyeen aftidii bishii Sabtembar.



