OMELU LUKAKU ayaa iska difaacay dadka isaga ku dheelceynaya inuu yahay ciyaaryahan aan wajihi Karin kooxaha waaweyn.
Weeraryahanka Manchester United ayaa guulo waaweyn gaarsiiyay kooxdiisa tan iyo markii uu Everton kaga yimid 75 milyan oo ginni.
Lukaku ayaa dhaliyay 11 gool 10kiisii kulan ee ugu horeysay kooxdiisa cusub ee Manchester United.
Shaki kuma jiro in Lukaku ku dhiban yahay inuu shabaqa soo taabto marka uu ka hor imaanayo kooxaha ugu waa weyn Premier League.
Weeraryahnaka ayaa seegay fursad dahabi ah kulankii United 0-0 la gashay kooxda Liverpool Sabtidii, ciyaar ka dhacday Anfield.
Laakiin xiddiga reer Belgium ayaa gool ka dhaliyay Real Madrid kulankii Super Cup ee bishii August, taasoo muujineysa inuu ka wanaagsan yahay heerka la dhigayo.
Lukaku ayaa yiri: “Waxaan maqlay in dadka qaar ay iisoo jeedinayaan dhaleeceyn.
“Hadda waan ka duwanahay waqtii aan joogay Everton, waxaan heystaa maskax ka duwan tii hore oo aan ku ciyaaro ayuu hadalkiisa ku daray.
“Weeraryahan ahaan, markii aan joogey Everton waxaan heystay waqti fiican, Waxaan bartay wax badan intii aan joogay halkaas. Waxaan ka ciyaarayay Everton muddo afar sano ah, Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay wixii aan u qabtay.
“Laakiin mararka qaar way adagtahay inaad gool ka dhaliso kooxaha waaweyn marka aad joogto Everton, waayo uma ciyaareysid inaad badiso.



