DHAGEYSO: Dagaal Culus oo ka socda Sh/dhexe

Wararka naga soo gaaraya Duleedka Magaalada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka socda degaanka Baliga oo ku yaalla Duleedka degmada Balcad.

Ciidamo uu hoggaaminaayo Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa degaankaasi weerar ku qaaday , waxaana la sheegay in ay difaac galaan Al-Shabaab oo halkaasi ku sugnaa.

Sida uu soo sheegaayo Wariyaha Risaala ee Shabeelaha Dhexe Cabdiraxmaan Deerey oo hadda ku sugan Balcad dagaalka ayaa ah Mid xooggan , waxaana labada dhinac u imaanaya Gurmadyo kala duwan.