Iska hor imaad dhexmaray ciidamada Puntland & wasiir Cabdi Qarjab oo la dhaawacay

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Boosaao ayaa waxa ay sheegayaan in iska hor imaad uu dhexnaray ciidamo ka wada tirsan maamulka Puntland.

Waxaana la sheegay in in halkaasi uu ku dhaawacmay wasiirka amniga maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab.

Dhaawaca soo gaaray wasiirka amniga Puntland ayaa waxaa la geeyay isbitaal ku yaalla magaalada Boosaaso halkaasi oo lagu dabiibayo.

Warar kale oo madax banaan ayaa sheegaya in sidoo kale is rasaaseyntaasi uu dhaawac ka soo gaaray gudoomiyaha gobolka Bari inkastoo aan la xaqiijin karin.