Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaano hoostaga Runirgood iyo Cadale

Wararka inaga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya ay Al-shabaab kala wareegeen deegaano iyo tuulooyin hoostaga degmooyinka Cadale iyo Runirgood.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya aya sheegay in maalmahan ay halkaasi ka wadeen howlgallo Al-shabaab looga saarayo gobolka Shabeellaha Dhexe.

Deegaanada iyo tuulooyinka ay ciidamada dowladda Soomaaliya la wareegeen ayaa waxaa ka mid ah Cadcadeey, Nuur-Dugle iyo Cadan-leexey.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in Al-shabaabkii laga saaray deeganadaasi ay ku sugan yihiin duleedka gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ka soconaya howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo ay sameynayaan ciidamada dowladda.