Inter Milan Oo Kala Caddeysay Mustaqbalka Gooldhaliye Mauro Icardi Oo Diiradda U Saaran Arsenal Iyo Napoli

Inter Milan ayaa si cad u sheegtay in aysan iibin doonin kabtankeeda Mauro Icardi xagaagaan.

Wararka ayaa sheegayey inay Napoli dalab kasoo gudbisay gooldhaliyahaan reer Argentina iyadoo dooneysa inay ka dhigto bedelka Gonzalo Higuain, halka Arsenal sidoo kale lala xiriirinayey inay lasoo wareegeyso 23 sanno jirkaan.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Inter Erick Thohir ayaa haatan u sheegay hillinka Inter Channel: “Ma iibin doono Icardi. Waxaan u helnay dalabyo u yimid isaga, Napoli ayaa ka mid ah kooxaha soo dalbaday, laakiin ma iibin doono Icardi.

“Sannad ka hor ayaan qandaraaska u kordhinay. Waxaan nahay sida qoys oo kale markasta waan ka wadahadalnaa haddii ay dhibaatooyin jiraan sidoo kale waan ka hadalnaa waxa aan mustaqbalka si wadajir ugu guuleysan karno.

“Waa kabtankeena, sidoo kale ciyaaryahan muhiim ah ayuu u yahay Inter Milan. Waana ku faraxsanahay inaan heysano isaga.”