Wararka naga soo gaaraya degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in degmadaasi uu ka dhacay shil gaari oo khasaare geystay sida ay idaacadda Risaala ay u xaqiijiyeen dad goobjoogaal.
Shilka ayaa la sheegaya in uu ka dhacay halka loo yaqaano wadada jeyka ee degmada Deyniile.
Gaarig shilka galay ayaa la sheegaya in ay la socdeen madax ka tirsan maamulka degmada Deyniile.
Inta la xaqiijiyay 2 askari ayaa ku dhimatay, waxaana sidoo kale uu dhaawac soo gaaray 7 qof oo uu ka mid yahay gudoomiyaha degmada Dayniile Axmed Nuur Cali Siyaad
Faahfaahin kala soco Risaala.net


