Howlgalka ATMIS Soomaaliya oo la soo gaba gabeeynayo dhammaadka sanadkan

Danjiraha  Midowga Afrika ee Soomaaliya Maxamed  Al-Amine Souef ayaa xaqiijiyay in howlgalka ATMIS Soomaaliya la soo gaba gabeeynayo bisha December ee soo socota.

Sidoo kale Danjire Souef ayaa sheegay in uu jiro  howl-gal cusub oo ka bilaabanaya Soomaaliya Marka  Ciidanka ATMIS dalka laga saari dhammaadka sanadkan, kaas oo uu ku sheegay inuu ka dambeeyay  codsi rasmi ah oo ay Soomaaliya gudbisay.

“Codsiga Soomaaliya ee ku aaddan howlgalka daba-galka ah wuxuu hoosta ka xariiqayaa baahida loo qabo in la sii wado taageerada caalamiga ah ee lagu xasilinayo Soomaaliya,” ayuu Yiri Danjire  Souef .

ATMIS ayaa isku diyaarinaysa dhimista 4,000 oo askari, kuwaas oo laga saarayo Soomaaliya bisha June ee soo socota .

Midowga Afrika ayaa Soomaaliya ka saaray illaa iyo 5,000 oo askari, waxaana uu baneeyeen 13 xarumood oo ay ku wareejiyeen ciidamada Amniga Soomaaliya, intii lagu guda jiray wajigii koowaad iyo labaad ee dhimistii sanadkii hore.