Maamulka degmada Wanlaweyn ee gobolka shabeelada Hoose ayaa ku guuleystay in ay kala dhex galaan Maleeshiyo beeleed ku dagaalamay degaan 30 kiilo mitir dhinaca waqooyi uga aadan degmadaasi .
Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Dagmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/ Hoose Maxamed Muqtaar Gacma Dheere oo ka hadlayay dagaal beeleedka ka dhacay deegaan hoos yimaada deggmadaasi ayaa sheegay in ay rageen goobta ay wax ka dheceen Beelaha dagalamayna Xabad joojin ay kala dhex dhigeen
Sidoo kale waxaa uu sheegay in gogol nabadeed oo lagu Heshiisiinayo Beelaha dagaalamay loo dhigi doono si ay u heshiiyaan.
Beelaha ku dagaalamay Waqooyiga degmada Wanlaweyn ee gobolka shabeelada Hoose ayaa isku heysta Dhul beereed dagaalkaas oo ilaa hadda wax xal ah aan laga gaarin.



