Waa Maxay Ujeedada Safarka Sheekh Shariif iyo Farmaajo ay ku tagayaan Garowe?

Waxaa Maanta  Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka  Puntland  ku wajahan wafdi wafdi ay hoggaaminayaan Madaxweynayashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed & Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qaban qaabada soo dhaweynta  Wafdi Sheekh shariif Farmaajo hogaaminayaan ayaa ka socota Garowe  inkastoo warar ay heleyso warbaahinta Risaala ay sheegayaan in Madaxweyne hore Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu kaligiis tagayo Garowe sida uu qorshaha uu yahay balse wax kasta ay isbedeli karaan.

Ujeedada Safarka Mas’uliyiintaan in ay ku tagayaan Magaalada Garowe ayaa ah sidii kulamo wadatashi ah ay ugu yeelan lahaayeen Magaaladaasi .

Sidoo kalena ay  u xoojin lahayeen talaabooyinka ay uga soo horjeesteen wax ka bedelka dastuurka.

Dhinaca kale Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ,Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni Magaalada Garowe ay uga dhawaqayaan  Madal  ay ku mideysan yihiin oo ay uga soo horjeedaan Siyaasada Dawlada Madaxweyne Xasan sheekh oo dooneysa in ay sii wado qorshaha wax ka baedelka dastuurka oo khilaaf Xoggan uu ka iro sidoo kalena ay diideen Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya .