Goolhayihii dhawaan ay iska fasaxday kooxda Manchester United Victor Valdes ayaa ku biiray koox cusub oo ka dhisan Horyaalka Ingiriiska.
Kooxda Middlesbrough ,oo dhawaan uun soo dalacday ayaa dhameystirtay saxiixa goolhayaha reer Spain Victor Valdes ka dib markii uu ka tagay kooxda Manchester United.
Ciyaaryahankii hore ee Barcelona ayaa saxiixay heshiis labo sanno ah oo uu ku difaaci doono shabaqa kooxda heerka labaad ka timid xili ciyaareedkii hore.
Valdes ayaa ka tegey United ka dib markii uu labo kulan u saftay kooxda uu hogaaminayay Louis van Gaal, kadib markii ay isku dhaceen macalinka reer Holland.
Valdes ayaa lagu eedeeyay in uu diiday u ciyaarista kooxda 21-jirada waqtigii Van Gaal kusugnaa Manchester United, waxaana uu ugu danbeyn Amaah uu ugu dhaqaaqay kooxda Standard Liege.
Lakiin dhamaadkii xili ciyaareedkii hore ayaa kamid noqday xiddigo qandaraaskooda dhacay oo ka dhaqaaqay kooxda Manchester United.


