Qarax gil gilay goob ay barakaystaan Shiicada Ciraaq

Qarax kale oo weyn ayaa ka dhacay deegaan ay Shiicadu barakaysato oo ku yaal waqooyiga caasimadda Baqdaad.

Mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa sheegaya in ugu yaraan 20 qof lagu dilay weerrarkaasi kuwa kale oo badanna ay ku dhaawacmeen.

Qof ismiidaamiyay oo watay baabuur bambaano lagu soo xidhay iyo rag dabley ah ayaa weerar ku soo qaaday qudbiga Shiicada ee Sayid Maxamed bin Cali al-Hadi oo ku yaal magaalada Balad.

Markuu bamku ku qarxay meel u dhaw albaabka hore ka dib, ayaa sida wararku sheegayaan dhawr nin oo dabley ahi isku soo galeen gudaha oo rasaas ku fureen dadkii goobta ku cibaadaysanayay ee u dabaal dagayay Ciidda.

Weerarkani wuxu isna dhacay uun in ka yar todobaad ka dib markii ku dhawaad saddex boqol oo qof lagu dilay qaraxii ugu waynaa ee ka dhaca magaalada Baghdad tan iyo dagaalkii 2003-dii, waxana lala beegsaday degmada ganacsi ee Karraada oo Shiicadu u badan yihiin.

Kooxda la baxday Dowladda Islaamka ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaa.